Taariikhda Website-yada

Taariikhada Website-yada: laga soo bilaabo [static pages to dynamic experiences]

this image is intended to represent the articles' purpose.

Interneet-ka ayaa siweyn isku badalay taniyo markii la aas-aasay, u bucda isbedel-kan ayaa ku tiirsan isbedelka soo koriinka website-yada. Oo Markii hore u adeegayay sida buug-yare dhijitaal ah. Website-yada ayaa ah madalo [ platfoms]  isku dhafan oo fududeeya ganacsiga, isgaadhsiinta, iyo ka qaybgalka bulshada. Maqaalkani waxa uu sahaminayaa Taariikhda iyo horumarka Websites-yada Inaga oo dul-istaagayna marxaladaha muhiimka ah iyo horumarka tignoolajiyada ee qaabeeyay muuqaalka interneet-ka.

Bilowgii Website-ya

Website-yadu waxay bilaabatay, dabayaaqadii Sanad-kii 1980-yadii, waxaana hindisay, Tim Berners-lee oo ah saynisyahan koombiyuutar. Waxa uuna hindisay nimdaam-ka ku wadaagidda xogta gudaha interneet-ka. 1991-dii  Waxuu daah furay website-kii ugu horeeyay, kaas oo ahaa bog yar oo qeexaya, Mashruuca  “World Wide Web” {WWW}Websites-yadii hore waxay ahaayeen kuwo aan wax isbadal ah lahayn. Oo ka kooban Qoraal iyo Sawiro xadidan, oo loogu talo galay in lagu gudbiyo macluumaad-ka.

Curashadii,  Hypertext Markup Language {HTML} iyo Dagaalkii Browsers-ka {1993-1999}

Markii Website-yadu soo caan-baxeen, HTML  Waxay ahayd halbeega abuuridda bogaga webs-ka. Soosaaridii broser-ka “Mosaic” 1993 ayaa la timid isbedel,  u ogolaanaya sisticmaalayaasha in ay si fudud ku dhex galaan webs-ka. Waa gaas waxaa jiray tartan iyo dagaal  u dhexeeyay brosers-ka [Netscape nagvigator iyo Internet explorer] Xilligaas, Website-yada waxaa la bilaabay qaab-dhismeedyo aad u casrisan, Iyaga oo lagu soo daray  koloms iyo naqshado loo habeeyay xogta iyo Contents-ka. Soo bixidii Cascading Style Sheets (CSS) dabayaaqadii 1990-meeyadii ayaa sii kordhisay awoodaha naqshadaynta, taasoo suuro galinaysa  bogag muuqaal ahaan soo jiidasho leh.

Soo kordhintii Dot-Com iyo Content Management System { CMS}  {1999-2001}

Dabayaaqadii 1990-aadkii ayaa soo caan-baxday kobaca dot-com, taasoo horseeday sare u kac ku yimid abuurista Website-yada. Ganacsiyadu waxay gar-waaqasdeen xiligaas awoodda interneet-ku leeyahay in lagu gaadho macaamiisha, kumanaan Website  ayaa la furay. Si kastaba ha ahaatee,  koritaankan degdega ah wuxuu  keenay xaalad aan degganayn, taas oo ugu dambeyntii 2001 fashil weyn ku yimid.

 In badan  oo ka mida ah shirkadaha dot-com ah ayaa kacay ama joojiyay hawlihii, gaar ahaan kuwa aan lahayn istraatiijiyad ganacsi oo adag.

Iyada oo laga jawaabayo baahida loo qabo  Website-yo la saaxiib ah isticmaalka, ayaa nidaamka Content Management System (CMS) soo baxay. Platforms sida WordPress iyo Drupal waxay u ogolaadeen adeegsadayaasha inay abuuraan oo cusboonaysiiyaan Website-yada Iyaga oo aan aqoon ballaadhan u lahayn Coding-ka.

Koritaankii Web 2.0     {2004-2010}

Hindisidii Web 2.0 waxay astaan u noqotay isbeddel dhanka isdhexgalka iyo isticmaalka ah. goobaha warbaahinta bulshada sida Facebook iyo YouTube waxay beddeleen sida dad-ku u dhexgalaan khadka, sidoo kale Website-yada ayaa bilaabay inay mudnaanta siiyaan ka-qaybgalka isticmaalaha. Sida Comments-ka iyo forums-ka [iwm}

Xilligaas waxaa waxaa sidoo kale kor u kacay soo saarida mobile-ka, taas oo ku kalliftay horumariyayaasha in ay abuuraan naqshado  la qabsanaya cabbirrada kala duwan ee shaashadaha. Sidoo kale Isticmaalka AJAX (Asynchronous JavaScript iyo XML) waxay awood u siisiiyeen Website-yada inay bixiyaan adeeg firfircoon oo kor u qaadaan khibrada isticmaalayaasha.

Waayihii Tignoolajiyada Website-yada Casriga ah

Sannadihii 2010-kii wuxuu la yimid horumarro dheeraad ah dhanka Website-yada. HTML5 iyo CSS3 waxay soo kordhiyeen naqshado iyo muuqaalo cusub, taas oo u oggolaanaysa Website-yadu in ay ku daraan sawir-dhis {Graphics}  iyo dhaqdhaqaaq {animation}. Sidoo kale Qaab-dhismeedka JavaScript sida React iyo Angular ayaa  isbeddel weyn ku sameeyey habka horumariyayaashu wax u abuuraan, taas oo awood u siinaya abuurista isticmaalka hal bog (Single page application) ku waas oo si dhakhso ah u loads-gareysmaya lehna timaamo [navigations].

Marikii ay Website-yadu noqdeen kuwo aad u horumarsan, baahida amaanka iyo siraha isticmaalaha ayaa Soo badatay, la qabsiga HTML-ka ayaa daruuri u noqotay illaalinta xogta isticmaalayaasha, xeerarka sida General data protection [GRPR] ayaa lagu xusay muhiimada ay leedahay illaalinta xogtu. 

Mustaqbalka Website-yada

Sida aan oogu sii socono mustasbalka, ayuu hormarka Website-yaduna u siisoconayaa, soo if-bixida tiknoolajiyadaha sida Artificial intellegence, Virtual reality, iyo baadigoobka codadka {Voice searching} ayaa qaabeynaya Sida adeegsadayaashu ula falgalayaan isticmaalka internet-ka Waxaa intaa sii dheer, koritaan platforms-ka no-code iyo low-code ayaa awood u siinaya in dad badan Samaystaan Website-yo  xirfad la’aan, taas oo ka dhigan yaraynta caqabadaha sida khibradda farsamada iyo kharashyada maaliyadeed.

    Gabagabadii

Taariikhda iyo horumarka Websit-yada ayaa ka tarjumaya isbeddelka ballaadhan ee tignoolajiyada aadamuhu gaadhay. Laga soo bilaabo bogagga aan dhaqaaqeynin illaa kuwa firfircoon [static pages to Dynamics] Website-yada ayaa noqday aalado lagama maarmaan u ah isgaarsiinta, ganacsiga, iyo isku xirka bulshada.

Our services